Rooble oo si adag uga hadlay isku daygii lagu damacsanaa in lagu baajiyo safarkiisii Koofur Afrika
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay isku daygii lagu sameeyay si looga baajiyo socdaal uu doonayay inuu ku tago dalka Koofur Afrika, isagoo adeegsanaya baasaboorkiisa Diblonaasiga ah ee Soomaaliya.
Rooble oo ka hadlayay munaasabad ay u sameeyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay cadaadiska la saaray, isagoo qiray in xubno kamid ahaa wafdigiisa ay u baaqday is-hortaaga dowladda Soomaaliya.
”Nin ciid kugu rogay waxba kumu gaarsiin laakiin calooshiisa ayuu ku tusay” ayuu yiri Rooble.
Waxa uu dhinaca kale si cad u sheegay inaan la aqbaleynin in doorasho hal dhinac ah ah dalka ka dhacdo, wuxuuna soo jeediyay in doorasho loo dhan yahay ay dhacdo.
“Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay ayaan rabaa inaan maantana walaalkey Madaxaweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego taas oo ah in wax loo dhan yahay la wada helo,Waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.