Waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad ballaaran oo lagu xusayey sanadguurada 8-aad ee calanka boqortooyada 4-ta Bagadi. Xafladda ayaa ahayd munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo isku keentay qeybaha kala duwan ee bulshada, siyaasiyiinta, haweenka, iyo qurbajoogta Soomaaliyeed ee beesha Bagadi.
Xafladdan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo ka dhigtay munaasabad taariikhi ah oo si weyn looga hadal hayay. Xafladdu waxay ahayd fursad lagu soo bandhigay dhaqanka iyo midnimada beesha Bagadi, iyadoo diiradda la saarayay qiimaha calanka boqortooyada iyo kaalinta ay beesha ku leedahay bulshada Soomaaliyeed.
Lataliyaha danka Haweenka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Biibi Macaani,
ayaa hadal qiimo leh ka jeedisay xafladda, iyadoo oo ka hadshay doorka beesha Bagadi ee dhinaca siyaasadda, dhaqanka, iyo nabadeynta gobolka. waxey sidoo kale ku boorisay bulshada inay sii wadaan midnimada iyo horumarinta dhaqankooda.
Biibi Macaani, oo ah haweeney hormuud u ah arrimaha haweenka, ayaa ka hadashay sida haweenka beesha Bagadi ay door muhiim ah uga ciyaaraan bulshada dhexdeeda. Waxay sidoo kale dhiirrigelisay in haweenku kaalin muuqata ka qaataan siyaasadda iyo horumarinta dhaqanka.
Sakariye Maxamed Shariif oo ka mid ah qurbajoogta kasoo jeeda beesha Bagadi, ayaa xafladda uga hadlay kaalinta ay qurbajoogtu ku leeyihiin horumarinta bulshada iyo xiriirinta dhaqanka gudaha iyo dibadda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la taageero dhaqanka .
Xafladda ayaa lagu soo bandhigay ciyaaro dhaqameed, dhaanto, iyo heeso hidaha iyo dhaqanka ah oo ay ka qayb qaateen fannaaniinta beesha.
Calanka boqortooyada ayaa lagu soo bandhigay xafladda, iyadoo lagu sharaxay taariikhda iyo muhiimadda uu u leeyahay beesha Bagadi.
Waxaa la qabtay doodo ku saabsan mustaqbalka beesha iyo sida loogu guuleysan karo horumarka dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho.
Xafladda sanadguurada 8-aad ee calanka boqortooyada 4-ta Bagadi waxay ahayd dhacdo guul leh oo isku keentay bulshada beesha. Waxay muujisay midnimo, taageero, iyo xusuus taariikhi ah oo lagu xoojinayo dhaqanka iyo hiddaha. Waxaa la isku raacay in horumarka beesha lagu xoojin doono wadajir iyo iskaashi dhex mara bulshada gudaha iyo qurbajoogta.




