Munaasabad uu xilka kula wareegaayey Godoomiyaha gobolka Baay mudane Cali wardheere ayaa maanta lagu qabtey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay taas oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta Dowlada koonfur galbeed Soomaaliya
Waxaana kasoo qeyb galey Wasiiro, xildhibaano, Agaasimiyaal, maamulka Degmada, saraakiil ciidan, odiyaasha dhaqanka iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.



