Saturday, July 5, 2025
Google search engine
HomewararkaAbiy Axmed oo digniin u direy dalal uu sheegay inay Itoobiya soo...

Abiy Axmed oo digniin u direy dalal uu sheegay inay Itoobiya soo weerarayaan

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka hadlay dalal uu sheegay inay qorsheynayaan inay dalkiisa soo weeraraan inkastoo uusan xusin magacyada dalalkaasi.

Abiye Axmed wuxuu digniin culus u direy dal kasta oo qorsheynaya in uu soo weeraro Itoobiya sida uu warka u dhigay.

“kuwa raba inay na soo weeraraan waxaan leeyahay 10 jeer haka fekeraan inteysan weerar ku soo qaadin Itoobiya, maadaama weerarkaas uu la kulmi doono iska caabin xooggan”

Itoobiya waxay cadaawad kala dhaxeysa Masar,Ereteria iyo Somalia balse maanta cabsi kama qabaan Somalia madaama uu yahay dal hada ka soo kabanaya Dowlad la’aantii uu mudaba ku soo jirey.

Waxaa loo badaniyaa kuwa warkaani sida sarbeebta ah uu ugu socdo inay yihiin Masar iyo Ereteria gaar ahaan Masar oo qorsheyneysa inay ciidamo u soo dirto Somalia taasoo keeni karta inay gudaha Somalia ku wada diriraan labadaasi dal.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments