Kooxo matalaya bulshada laga tirada badan yahay ee caddaanka Koonfur Afrika ayaa Sabtidii ka falceliyay qorshe uu madaxweyne Donald Trump ku doonayo inuu qaxooti ahaan dib u dejin loogu sameeyo Maraykanka, iyagoo u sheegay: “waad mahadsan tahay, balse maya.”
Qorshahan ayaa lagu faahfaahiyay amar uu Trump saxiixay Jimcihii, kaas oo joojiyay dhammaan gargaaradii iyo taageerada dhaqaale ee Maraykanku siiyo Koonfur Afrika, taas oo lagu sheegay ciqaab la xiriirta “xadgudubyo xuquuqeed” oo dowladda Koonfur Afrika ku hayso qaar ka mid ah muwaadiniinteeda cadaanka ah, sida uu sheegay maamulka Trump.
Maamulka Trump ayaa ku eedeeyay dowladda Koonfur Afrika inay ogolaatay weerarro rabshado wata oo lagubeegsaday beeraleyda Afrikaaner ee cadaanka ah, iyadoo sidoo kalena ansixisay sharci dhul oo u oggolaanaya inay “si qasab ah uga qaaddo dhulka beeraleyda laga tirada badan yahay ee Afrikaaner-ka ah iyadoon wax magdhow ah la siin.”
Dowladda Koonfur Afrika ayaa beenisay jiritaanka weerarro abaabulan oo lagu bartilmaameedsanayo beeraleyda cadaanka ah, waxayna sheegtay in sharaxaada uu Trump ka bixiyay sharciga cusub ee dhulka ay tahay mid qalad iyo marin habaabin ah.
Afrikaaner-ku waxay ka soo farcameen gumeysatayaashii Dutch, Faransiis, iyo Jarmal oo Koonfur Afrika yimid in ka badan 300 sano ka hor. Waxay ku hadlaan Af-Afrikaans, oo ah luqad ka soo farcantay Dutch-ga oo Koonfur Afrika ku samaysantay, waxaana ay ka duwan yihiin cadaanka kale ee Koonfur Afrika oo asal ahaan ka yimid Britain iyo dalal kale.
Cadaanka Koonfur Afrika waxay ka yihiin ku dhawaad 7% tirada guud ee dadka Koonfur Afrika oo gaaraya 62 milyan.
“Annaga meelna ma aadeyno”
Sabtidii, labo ka mid ah ururrada ugu waaweyn ee matala Afrikaaner-ka ayaa sheegay inay ka gaabsadeen dalabka Trump ee dib-u-dejin Maraykan ah.
“Xubnaheena halkan ayay ka shaqeeyaan, waxayna doonayaan inay halkan ku sii nagaadaan,” ayuu yiri Dirk Hermann, agaasimaha guud ee ururka shaqaalaha Afrikaaner-ka ee Solidarity, kaasoo sheegay inuu matalo ku dhawaad 2 milyan oo qof. “Waxaan u heellanahay inaan ku dhisno mustaqbal halkan. Meelna ma aadeyno.”
Kallie Kriel, agaasimaha guud ee kooxda lobbiga Afrikaaner-ka ee AfriForum, ayaa sheegay: “Waa inaan si cad u sheegnaa: ma doonayno inaan meelo kale u guurno.”
Go’aanka Trump uu ku ciqaabay Koonfur Afrika, oo ah saaxiib ganacsi oo muhiim ah Maraykanka ku leeyahay Afrika, ayaa yimid kaddib markii isaga iyo la-taliyihiisa Koonfur Afrika ku dhashay ee Elon Musk ay ku eedeeyeen hoggaanka madow ee dalkaas inuu leeyahay mowqif cadaawad ah oo ka dhan ah cadaanka. Laakiin sawirka Afrikaaner-ka sida koox dulman oo u baahan in la badbaadiyo ayaa ah mid dad badan oo Koonfur Afrikaan ah la yaabi doono.
“Waa wax lala yaabo in amarka fulinta uu dhigayo sharci u oggolaanaya qaxootinimo Maraykanka koox Koonfur Afrika ku dhex nool oo wali ka mid ah kuwa ugu hantida badan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Koonfur Afrika.
Waxay sidoo kale dhaleecaysay siyaasadaha maamulka Trump, iyadoo sheegtay in diiradda la saaray Afrikaaner-ka “iyadoo dad jilicsan oo Maraykanka ku sugan oo ka yimid dalal kale laga masaafurinayo lagana diidayo magangalyo xitaa iyadoo ay wajahaan dhibaatooyin dhab ah.”
Waxaa jiray “olole lagu faafinayo warar aan sax ahayn iyo borobogaando” oo lagu beegsanayo Koonfur Afrika, ayay wasaaraddu tiri.