Wararkii ugu dambeeyay Shabaab oo weerar ku qaaday degmada Balcad

0
65

ararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay saaka waaberigii hore iska caabiyeen weerar ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaaday degmada Balcad.

Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyey in degmada Balcad ay si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo ka hortagay isku dayga Al-Shabaab ee dib u qabsashada magaalada.

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa kordhisay isku dayada ay ku doonayso inay dib ugu qabsato deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si adag uga hortagay weeraradaas, iyagoo gaarsiiyay kooxda khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab ee gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here