Friday, July 4, 2025
Google search engine
HomewararkaMadaxweyne Xasan oo shir caalami ah kala qayb-galay Erdogan + Sawirro

Madaxweyne Xasan oo shir caalami ah kala qayb-galay Erdogan + Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Turkiga ayaa kala qeyb galay madaxda caalamka furitaanka Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalkaasi.

Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaan siinaya madashan oo ka mid ah fagaarayaasha caalamiga ah, loogana hadlayo xaaladaha guud iyo xoojinta xiriirada caalamagi ah.

Sidoo kale waxa ay muhiimaddu tahay isdhaafsiga khibradaha maamul iyo sidii Soomaaliya ay doorkeeda uga qaadan lahayd arrimaha caalamiga ah, iyadoo la xaqiijinayo midnimada iyo danaha dalkeenna.

Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa.

Dhanka kale, kulan doceedyo la qaadan doonaa madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb galaya madashan, si uu ugala hadlo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

“Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu shirku socdo waxa uu sidoo kale kulamo-doceeedyo la yeelan doonaa qaar ka mid ah madaxda caalamka ee madasha martida ku ah, isaga oo kala hadli doona arrimo ahmiyad u leh xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Soomaaliya kala dhexeeya dalalka ay matalayaan” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya

Turkigan oo shirkan soo qaban-qaabiyay ayaa ah saaxibka koowaad ee Soomaaliya, waxaana madasha khudbad dheer ka jeediyay Madaxweyne Rejeb Dayib Ordagaan oo daah-furay, iyada oo ay sii socon doonaan khudbadaha mas’uuliyiinta goobjoogga ah.

Soomaaliya ayay sidoo kale fursad muhiim u tahay ka qayb-galka Madasha Diblomaasiyadda Antalya, iyada oo Madaxweynuhu la filayo inuu taageero waydiisto dowladaha waa wayn ee kasoo qayb-galay shirkaas, maadaama uu ku jiro dagaal adag.

Dardargelinta dagaalka Al-Shabaab ayaa hadda maraya meel wanaagsan, waxaana Soomaaliya ay taageero wayn ka heleysaa Turkiga oo diyaarado ugu deeqay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments