Friday, July 4, 2025
Google search engine
HomewararkaCiidamada Asluubta oo maanta gaaray furimaha dagaalka Gobolka Sh.dhexe+SAWIRRO

Ciidamada Asluubta oo maanta gaaray furimaha dagaalka Gobolka Sh.dhexe+SAWIRRO

aadiyaha Ciidamada Dowlada Somalia ayaa goor dhaw baahiyay in ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta oo shalay laga sagootiyay Muqdisho ay maanta gaareen aagaga dagaalka.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta ciidamada Dowlada ayaa sidan u qornaa:-

Xili Gobalka Shabellaha Dhexe ey ka soconayaan Howlgalo balaaran oo Argagixisada lagu baacsanayo ayaa Maanta Furumaha hore ee dagaalka waxaa soo gaaray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Asluubta Somaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Ganeraal Sahal Cabdullahi Cumar oo halkaa u joogo dardar galinta Dagaalka lagu baacsanayo Khawaariijta ayaa Geesiyadan ku so dhaweeyay Furumaha hore Dagaalka Gobalka Shabellaha dhexe.

Geesiyadan ayaa u diyaarsan ciribtirka Khawaariijta waxayna qeyb ka noqon doonaan Howlgalka lagu ciribtirayo Argagixisada

Gobalka Shabellaha Dhexe xiligaan waxaa ka soconayo howlgalo culus Argagixisada lagu naafeeyay Geesiyada is garabsanaya ayaa nafta dhaafiyay Maleeshiyaad badan iyo Horjoogayaal halka Khawaariijta laga burburiyay hub & Sanaad kale oo Ciidan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments