Friday, July 4, 2025
Google search engine
HomecayaarahKoox Ka Dhisan Premier League Oo Loo Saadaaliyay Ku Guuleysiga Champions League

Koox Ka Dhisan Premier League Oo Loo Saadaaliyay Ku Guuleysiga Champions League

Liverpool ayaa sii wadata 100% guulaha ay ka gaareyso tartanka ugu sarreeya Yurub kaddib markii ay fiidkii talaaladada 2-1 uga adkaadeen Lille oo 10 ciyaartoy ku dhammeysatay kulanka.

Reds waxay u muuqdeen inay si sahlan guusha u qaadan doonaan markii Aissa Mandi casaan la siiyay qeybtii labaad ee ciyaarta, kaddib markii Mohamed Salah uu dhaliyay goolka furitaanka daqiiqaddii 34-aad.

ADVERTISEMENT

Si kastaba ha ahaatee, Jonathan David ayaa barbareeyay goolka wax yar uun kaddib markii Mandi casaan qaatay, balse Harvey Elliot ayaa dib u soo celiyay hogaanka Liverpool kaddib markii kubad uu laaday ay isbedel sababtay shan daqiiqo gudahood.

Guushaas – oo ahayd tii toddobaad ee xiriir ah oo ay ka gaareen Champions League – ayaa xaqiijisay in Liverpool ay u gudubtay wareegga 16-ka, kaasoo billaabanaya bisha Maarso. Kooxda hogaamineysa  Premier League ayaa noqon doonta mid si weyn lo qiimeeyo, waxayna la ciyaari doontaa mid ka mid ah siddeeda kooxood ee kasoo gudba kulammada isreeb-reebka ee Febraayo.

Isagoo la hadlayay wargeyska Jarmalka ee Sport Bild kaddib kulammadii Talaadadii, Ballack ayaa Liverpool ku tilmaamay kooxda ugu cadcad inay hanato koobka sannadkan, isagoo u arkaya inay ka sarreeyaan kooxda difaacaneysa koobka ee Real Madrid.

“Marka la eego qaab ciyaareedkooda ilaa hadda, Real Madrid ma aha kuwa aan u arko inay yihiin kuwa ugu cadcad,” ayuu yiri Ballack, oo hore ugu soo ciyaaray Bayern Munich, Chelsea, iyo xulka qaranka Jarmalka. “Waxaan u maleynayaa in Liverpool, oo haatan ku gacan sarreysa Champions League, ay yihiin kuwa ugu cadcad.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments