Inkastoo Gunners si fudud ugu guuleysatay kulanka oo ay ku soo baxeen kaalinta saddexaad ee guruubkooda, Rice ayaa ku jahwareersanaa fursad uu gool ku dhalin karay daqiiqadihii ugu dambeeyay. Arsenal waxay hadda u baahan tahay hal dhibic kulanka ugu dambeeya ee guruubka oo ay la ciyaarayaan Girona si ay ugu soo baxaan siddeeda sare ee tooska ah, loona xaqiijiyo booska wareega bug-baxa.
Xiddiga qaranka England ayaa goolka furitaanka dhaliyay laba daqiiqo oo kaliya markii ciyaarta la bilaabay, halka Kai Havertz iyo Martin Odegaard ay iyaguna shabaqa soo taabteen. Si kastaba ha ahaatee, Rice ayaa niyad jab ka muujiyay fursad uu dhamaadka ciyaarta lumiyay.
ADVERTISEMENT
“Runtii waan xanaaqsanahay, si daacad ah, sababtoo ah waxaan helay fursad la mid ah tan kulankii Man United ee koobka, waan lumiyay, haddana isla tan ayaa dhacday,” ayuu Rice u sheegay TNT Sports. “Waxaan galayaa meelaha saxda ah, dabcan waxaan dhaliyay gool wanaagsan qeybta hore, laakiin waxaan ka xumaaday inaan gool kale dhalin waayay. Waa inaan noqdaa mid gool u badala fursadaha uu helo.
Si kastaba ha ahaatee, inaan dhaliyo goolkeygii ugu horreeyay ee Champions League, dabcan waxay igu qaadatay labo xilli ciyaareed, laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay. Waxaan rajeynayaa goolal kale oo badan.”
Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa doonaya inuu Rice dhaliyo goolal badan, maadaama uu hal gool kaliya dhaliyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Arteta ayaa rumeysan in tabarucaadka Rice ee dhinaca weerarka uu ka sii fiicnaan doono sidan haduu ka faa’iideysto fursadaha uu helo.