Waxaa Magaalada Beirut ee xarunra Dalka Lubnan ka socda u diyaar garowga aas qaran oo loo sameynayo hogaamiyihii caanka ahaa ee Ururka Isaamiga ah ee Xisbullah Hassan Nasrallah iyo hogaamiyihii lagu badalay Hashem Safieddine kuwaasoo dhawaan ay duqeymo dhanka cirka ah ku dileen diyaaradaha Israa’iil.
Boorar weyn oo ay ku xardhan yihiin sawirrada hoggaamiyihii la dilay ee Hezbollah Hassan Nasrallah iyo Hashem Safieddine oo loo doortay inuu beddelo ka hor inta aan isagana la dilin, ayaa lagu arkayaa banaanka iyo gudaha garoonka weyn ee ciyaaraha halkaasoo la isugu tagayo.



