Si aan loo helin Dowlad Islaam ah oo Xoog leh, waa in aan lagu dhaqmin Shareecdaa Islaamka, waana in aan la arag Dhul weyn oo Muslimiintu ku noolyihiin oo hal Xukun hoos tago.
1. Suldaan Idiris Aloma, oo lagu naaneyso ” Boqorkii 1000-ka Dagaal” waxaa uu xakumayay Boqortooyadii Islamka ee “Karim Barnoo”. ee u dhexeysay, Barri Dagfuur, Koofur Dhulka Hawsaha ee Galbeedka Afrika. Waqooyi Dulka Fasaan waa Libiyada maanta, koofurn Deegaanka Taala. Waxaa ka mid ahaa Dalalka maanta loo yaqaan Jaad, Niger, Najeriya iyo kamaruun.
Waxa uu galay 330 Dagaal, oo ka koobneed 1000 Goob dagaal, dhamaana waa ku guuleystay, laba Goob oo kaliya ayaa looga guuleystay.
Sideey ugu suura gashay in uu intaa xakumo?. Waxa uu Sameeyay Cadaalad, waxa uuna amray in Shareecada islaamka oo kaliya wax lagu Xakumo Dalka, laguna Saleeyo Qur’aanka iyo Sunadda oo kaliya, Masaakiinta, Garoobada, Waayeelka, Masaafurka iyo Agoonta waxa uu u qoray Dhaqaale joogta ah, waxa uuna furay Masaajid iyo Xarumo waaweyn oo Diinta lagu barto.
Sanadkii 1603 ayuu u geeriyoiday Fallar ku dhacday isaga oo Dagaal ku jiro.
2. Markii Dhulka Islaamka Badankiisa ay Xakumeeysay Dowladii Cusmaaniyiinta ee Turkiga, oo islaamka intiisa Badan uu ahaa Hal Dal, waxaa jiray Tareen isku xirayay Turkiga, Syria, Jordan, Dhulka Xijaas, Makka, Madiina, Baytul Maqdas, Sinaay ilaa Qaahira.
Si loo baabiyo Suldanadaa Cusmaaniyiinta, Islaamkana loo laciifiyo Ingriisku kama soo weerari karin Dibadda, Waxa uu isku Diray Dowladii Cusmaaniyiinta iyo Carabtii, si uu u jaro isgaarsiinta, Carabtii La dhihi jiray Barbaariyiinta ayuu ka adeejiyay in ay Tareenkaa wadada Saxaraha ah u galaan oo ay baabiyaan Khadka Tareenka ayna dhacaan Rakaabka, si isku gurmadka Ciidamada islaamku u yaraado, halkaa ayuuna ku Baaba’ay Tareenkii isku xirayay Dhulalka Islaamka, Gobaldii uu isku mari jirayna waxaa loo qeeybiyay Dowlado yar yar. ( F.S:2aad)
3. Waxaa jiray Tareen isku Xiri jiray Qeybaha Gobalkii banadir, waxa uu ka soo bixi jiray Jowhar waxa uu soo marayay Afgoi kadibna Xamar dhulkaa oo isku ahaa Hal Gobal oo loo yaqiin Gobalka Banadir. Haddii uu Maanta jiri lahaa Tareenkaasi waxa uu isku mari lahaa Saddax Gobal oo kala ah Sh/dhexe,( Jowhar) Sh/ hoose ( Afgoi) iyo Banadir ( Mogadishu).
lama ogolo in la helo dhul weyn oo Dad Muslimiin ah ay wada deganyihiin oo Hal Xukun hoos tago. ( F.S:3aad)
4. Madaxweyne Adan Cabdulle Osman ayaa Baarlamaankii Somalida u gudbiyay Mooshin ahaa: Ma Shareecada islaamka ayaan ku dhaqanaa mise Dimoqaraadiyadda?. Sharciga Dalka ayaa qabay, in Madaxweynuhu Arimaha Qaar uu u leehaya soo jeedin kaliya, Laakin, Go’aanka waxaa iska leh Baarlmaanka. Marka ay Ansixiyaan kadib ayuu saxiixi karaa Madaxweynuhu.
Gudoomiyihii Baarlamaanka ayaa ka hor akhriyay Baarlamanka soo jeedintii Madaxweynaha, waxa uuna yiri: Aan u codeeyno in aan Madaxweynaha ku raacno ama ku diidno.
Ugu Horeyn Xildhibaan Reer waqooyi ahaa ayaa yiri: Haddaan nala khasbeeyn, waa in aan ku dhaqanaa Dimoqraadiyadda ( Xildhibaanka magaciisa ma xasuusto hadda)
Gudoomiyihii Baarlamaanka ayaa yiri: aan u kala coderyno labadaa argti, Tan Madaxweynaha iyo Tan Xildhibaanka. Baarlamanaka oo ka koobnaa 123 Xildhibaan, waxaa Dimoqaraadiyad in lagu dhaqmo u Codeeyay 120 Xildhibaan, waxa ka aamusay Hal Xildhibaan, waxaa Diiday in Dimoqradiyadda lagu dhaqmo Labad Xildhibaan, mid waxaa la dhihi jiray Sh. Cali Ismaciil, ( kan kale Magaciisa hadda ma xasuusto). ( F.S:4aad)
Haddaan Sharceeda Islaamka lagu dhaqmeeyn, Haddaan Cadaalad wax lagu maamuleeyn, Wadan weyn oo Islaam ah oo Xoog leh ha sugin.
Dunidda maanta kama jirto hal Dowlad Islaam ah, laakin waxaa jiro Shacab muslim ah.
FG: ka raali noqo haddii aan kaaga nixiyay Cinwaanka Sare ee Qoraalka.( Shareecada islaamka Maya) waxaan rabay aad Taariikhda wax ka ogaato, iyo in aan ku weeydiiyo yaa dhab ahaan diidan in shareecada lagu dhaqmo?
FG: wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.
Qore: Yahya Amir