Sunday, December 22, 2024
Google search engine
HomewararkaXogta kulan xarunta NISA ku dhex-maray Sanbaloolshe iyo Suleyman Mombo

Xogta kulan xarunta NISA ku dhex-maray Sanbaloolshe iyo Suleyman Mombo

Agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa kulan xasaasi ah xarunta NISA kula yeeshay agaasimaha hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda Tanzania ee TISS Suleiman Abubakar Mombo, oo booqasho labo maalin ah shalay kusoo gaaray magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxay labada masuul si weyn uga wada-hadleen dadaallada wadajirka ah ee looga hortagi karo khataraha ururrada argagixisada iyo xoojinta is-dhaafsiga xoggaha muhiimka ah ee amniga.

Madaxda hay’adaha sirdoonka ee Soomaaliya iyo Tanzania oo adkeeyay muhiimadda iskaashigan ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu dar-dargelinayo doorka labada hay’ad ee dagaalka ka dhanka ah halista argagixisada.

Sidoo kale, labada Sirdoon iska kaashanaya amniga, sirdoonka iyo is-dhaafsiga xogaha, ka hortagga khataraha argagixiso, iyadoo labada agaasime ay maanta qalinka ku duugeen is-afgarad dhabaha u xaaraya iskaashigan muhiimka ah.

Iskaashigan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo loo qaaday xasilloonida iyo ammaanka gobolka, iyada oo labada dhinac ay wadaagaan ujeeddada guud ee ka hortagga argagixisada bariga Afrika.

Tan ayaa qeyb ka ah dadaallada uu hoggaanka NISA dib ugu soo celinayo xiriirada hay’adda la laheyd hay’addaha sirdoonka dalalka saaxiibada dhow la ah Soomaaliya, iyadoo qaar kamid ah madaxda dalalkaas ay booqasho ku yimaadeen caasimadda Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments