Sunday, December 22, 2024
Google search engine
HomewararkaXogta: saansaanta dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu Geddo ku dhex-maro...

Xogta: saansaanta dagaal mar kale laga cabsi qabo inuu Geddo ku dhex-maro Dowlada iyo Maamulka Jubaland.

Waxaa soo kordhaya saan-saan colaadeed oo ka taagan Gobolka Geddo halkaasoo laga cabsi qabo inay mar kale isku fara-saaraan ciidamada Xooga dalka Somalia iyo kuwa Maamulka Jubaland madaama dhawaan ay isku qabteen gobolka Jubada hoose.
Maalmihii ugu dambeeyay Dowlada Somalia ayaa wufuud kala duwan u direysay Gobolka Geddo, waxaana u dambeeyay Wasiirka  amniga Somalia C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo shalay gaaray Caasimada Geddo ee Gar-bahaareey.
Culumaa’udiinka iyo waxgaradka Gobolka Geddo ayaa hore u muujiyay cabsida dagaal ee jirta iyagoo ugu baaqay dhinacyada inay iska ilaaliyaan wax kasta oo dagaal keeni kara.
Wararka xiisadaha dhalin kara waxaa ugu dambeeyay talaabooyinka loo qaaday dhanka siyaasada iyadoo Dowladu shalay Dooloow ka celisay duulimaadyo la sheegay in hub u socday Maamulka Jubaland loona qaadi rabay Magaalada Baardheere balse Dowladu ka hortagtay markii ay ogaatay.
Ciidamada Itoojiyaanka ayaa la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen oo ay Jubaland ka saacidayeen sidii hubkaasi loogu gudbin lahaa Magaalada Baardheere, laakiin Dowlada Somalia ay shirkadaha diyaaradaha ku amartay ineysan qaadi karin.
Si kastaba waxaa soo kordhaya xiisado u muuqda inay ugu dambeyn keeni karaan dagaal toos ah oo dhexmara Ciidamada Maamulka Jubaland iyo kuwa Dowlada Somalia kaasoo salka ku haya gacan ku heynta Gobolka Geddo iyadoo Maamulka Jubaland la rumeysan yahay inuusan awoodii Jubaland oo kale ku lahayn Gobolka Geddo islamarkaana ciidanada Dowlada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments